| 1 |
Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada «Makaad ee Sharrifan». |
/content/ayah/audio/hudhaify/090001.mp3
|
لَا أُقْسِمُ بِهَذَا الْبَلَدِ |
| 2 |
Ood Nabiyow daggantahay dhexdeeda. |
/content/ayah/audio/hudhaify/090002.mp3
|
وَأَنتَ حِلٌّ بِهَذَا الْبَلَدِ |
| 3 |
Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa «Dadka». |
/content/ayah/audio/hudhaify/090003.mp3
|
وَوَالِدٍ وَمَا وَلَدَ |
| 4 |
Ee Eebe Dadka wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi). |
/content/ayah/audio/hudhaify/090004.mp3
|
لَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ فِي كَبَدٍ |
| 5 |
Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku). |
/content/ayah/audio/hudhaify/090005.mp3
|
أَيَحْسَبُ أَن لَّن يَقْدِرَ عَلَيْهِ أَحَدٌ |
| 6 |
Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado). |
/content/ayah/audio/hudhaify/090006.mp3
|
يَقُولُ أَهْلَكْتُ مَالًا لُّبَدًا |
| 7 |
Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin. |
/content/ayah/audio/hudhaify/090007.mp3
|
أَيَحْسَبُ أَن لَّمْ يَرَهُ أَحَدٌ |
| 8 |
Miyaannaan u yeelin Laba indhood. |
/content/ayah/audio/hudhaify/090008.mp3
|
أَلَمْ نَجْعَل لَّهُ عَيْنَيْنِ |
| 9 |
Iyo Carrab iyo Laba bishimood. |
/content/ayah/audio/hudhaify/090009.mp3
|
وَلِسَانًا وَشَفَتَيْنِ |
| 10 |
Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid (khayrka iyo sharka). |
/content/ayah/audio/hudhaify/090010.mp3
|
وَهَدَيْنَاهُ النَّجْدَيْنِ |
| 11 |
Ee Dadku muu jiidho Jiirta. |
/content/ayah/audio/hudhaify/090011.mp3
|
فَلَا اقْتَحَمَ الْعَقَبَةَ |
| 12 |
Ma taqaannaa Jiirta. |
/content/ayah/audio/hudhaify/090012.mp3
|
وَمَا أَدْرَاكَ مَا الْعَقَبَةُ |
| 13 |
Waa qoor la xoreeyo. |
/content/ayah/audio/hudhaify/090013.mp3
|
فَكُّ رَقَبَةٍ |
| 14 |
Iyo cunno la siiyo maalin gaajo. |
/content/ayah/audio/hudhaify/090014.mp3
|
أَوْ إِطْعَامٌ فِي يَوْمٍ ذِي مَسْغَبَةٍ |
| 15 |
Agoon kuu dhaw. |
/content/ayah/audio/hudhaify/090015.mp3
|
يَتِيمًا ذَا مَقْرَبَةٍ |
| 16 |
Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed). |
/content/ayah/audio/hudhaify/090016.mp3
|
أَوْ مِسْكِينًا ذَا مَتْرَبَةٍ |
| 17 |
Markaas la noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista. |
/content/ayah/audio/hudhaify/090017.mp3
|
ثُمَّ كَانَ مِنَ الَّذِينَ آمَنُوا وَتَوَاصَوْا بِالصَّبْرِ وَتَوَاصَوْا بِالْمَرْحَمَةِ |
| 18 |
Kuwaasina waa kuwa Midigta mari. |
/content/ayah/audio/hudhaify/090018.mp3
|
أُوْلَئِكَ أَصْحَابُ الْمَيْمَنَةِ |
| 19 |
Kuwaka Gaaloobayse Aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari. |
/content/ayah/audio/hudhaify/090019.mp3
|
وَالَّذِينَ كَفَرُوا بِآيَاتِنَا هُمْ أَصْحَابُ الْمَشْأَمَةِ |
| 20 |
Waxaana lagu dabooli Naar. |
/content/ayah/audio/hudhaify/090020.mp3
|
عَلَيْهِمْ نَارٌ مُّؤْصَدَةٌ |