| 1 |
Wuxuu Halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083001.mp3
|
وَيْلٌ لِّلْمُطَفِّفِينَ |
| 2 |
Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta). |
/content/ayah/audio/hudhaify/083002.mp3
|
الَّذِينَ إِذَا اكْتَالُواْ عَلَى النَّاسِ يَسْتَوْفُونَ |
| 3 |
Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083003.mp3
|
وَإِذَا كَالُوهُمْ أَو وَّزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ |
| 4 |
Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083004.mp3
|
أَلَا يَظُنُّ أُولَئِكَ أَنَّهُم مَّبْعُوثُونَ |
| 5 |
Maalin wayn darteed (Qiyaamada). |
/content/ayah/audio/hudhaify/083005.mp3
|
لِيَوْمٍ عَظِيمٍ |
| 6 |
Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083006.mp3
|
يَوْمَ يَقُومُ النَّاسُ لِرَبِّ الْعَالَمِينَ |
| 7 |
Saas ma aha ee Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083007.mp3
|
كَلَّا إِنَّ كِتَابَ الفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٍ |
| 8 |
Ma taqaannaa Sijiin. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083008.mp3
|
وَمَا أَدْرَاكَ مَا سِجِّينٌ |
| 9 |
Waa Kitaab calaamaysan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083009.mp3
|
كِتَابٌ مَّرْقُومٌ |
| 10 |
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa beeniya (xaqa). |
/content/ayah/audio/hudhaify/083010.mp3
|
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ |
| 11 |
Ee ah kuwa beeniya Maalinta abaal marinta. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083011.mp3
|
الَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوْمِ الدِّينِ |
| 12 |
Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083012.mp3
|
وَمَا يُكَذِّبُ بِهِ إِلَّا كُلُّ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ |
| 13 |
Marka Quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083013.mp3
|
إِذَا تُتْلَى عَلَيْهِ آيَاتُنَا قَالَ أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ |
| 14 |
Saas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083014.mp3
|
كَلَّا بَلْ رَانَ عَلَى قُلُوبِهِم مَّا كَانُوا يَكْسِبُونَ |
| 15 |
Waxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083015.mp3
|
كَلَّا إِنَّهُمْ عَن رَّبِّهِمْ يَوْمَئِذٍ لَّمَحْجُوبُونَ |
| 16 |
Markaasna ay gali Jaxiimo. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083016.mp3
|
ثُمَّ إِنَّهُمْ لَصَالُوا الْجَحِيمِ |
| 17 |
Waxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen Adduunka. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083017.mp3
|
ثُمَّ يُقَالُ هَذَا الَّذِي كُنتُم بِهِ تُكَذِّبُونَ |
| 18 |
Saas xaalku ma aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083018.mp3
|
كَلَّا إِنَّ كِتَابَ الْأَبْرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ |
| 19 |
Cilliyiin ma taqaannaa. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083019.mp3
|
وَمَا أَدْرَاكَ مَا عِلِّيُّونَ |
| 20 |
Waa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican magaciisa lagu qoro. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083020.mp3
|
كِتَابٌ مَّرْقُومٌ |
| 21 |
Waxaana Gacanta ku haya Malaa'ig Eebe u dhaw. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083021.mp3
|
يَشْهَدُهُ الْمُقَرَّبُونَ |
| 22 |
Kuwa wanaagsan waxay gali Naciima (Janno). |
/content/ayah/audio/hudhaify/083022.mp3
|
إِنَّ الْأَبْرَارَ لَفِي نَعِيمٍ |
| 23 |
(Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083023.mp3
|
عَلَى الْأَرَائِكِ يَنظُرُونَ |
| 24 |
Wajigooda waanad ka garan Nicmada. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083024.mp3
|
تَعْرِفُ فِي وُجُوهِهِمْ نَضْرَةَ النَّعِيمِ |
| 25 |
Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan). |
/content/ayah/audio/hudhaify/083025.mp3
|
يُسْقَوْنَ مِن رَّحِيقٍ مَّخْتُومٍ |
| 26 |
Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083026.mp3
|
خِتَامُهُ مِسْكٌ وَفِي ذَلِكَ فَلْيَتَنَافَسِ الْمُتَنَافِسُونَ |
| 27 |
Waxaana lagu dheehi Cabbitaan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083027.mp3
|
وَمِزَاجُهُ مِن تَسْنِيمٍ |
| 28 |
Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083028.mp3
|
عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا الْمُقَرَّبُونَ |
| 29 |
Kuwii Dambaabay (Gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083029.mp3
|
إِنَّ الَّذِينَ أَجْرَمُوا كَانُواْ مِنَ الَّذِينَ آمَنُوا يَضْحَكُونَ |
| 30 |
Haday maraanna way xaqirijireen. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083030.mp3
|
وَإِذَا مَرُّواْ بِهِمْ يَتَغَامَزُونَ |
| 31 |
Markay Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo raaxaysan). |
/content/ayah/audio/hudhaify/083031.mp3
|
وَإِذَا انقَلَبُواْ إِلَى أَهْلِهِمُ انقَلَبُواْ فَكِهِينَ |
| 32 |
Markay arkaan Mu'miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083032.mp3
|
وَإِذَا رَأَوْهُمْ قَالُوا إِنَّ هَؤُلَاء لَضَالُّونَ |
| 33 |
Loomana dirin inay ilaaliyaan Mu'miniinta. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083033.mp3
|
وَمَا أُرْسِلُوا عَلَيْهِمْ حَافِظِينَ |
| 34 |
Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083034.mp3
|
فَالْيَوْمَ الَّذِينَ آمَنُواْ مِنَ الْكُفَّارِ يَضْحَكُونَ |
| 35 |
Sariiro korkood yayna wax daawan. |
/content/ayah/audio/hudhaify/083035.mp3
|
عَلَى الْأَرَائِكِ يَنظُرُونَ |
| 36 |
Miyaan laga abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga abaalmariyay). |
/content/ayah/audio/hudhaify/083036.mp3
|
هَلْ ثُوِّبَ الْكُفَّارُ مَا كَانُوا يَفْعَلُونَ |